Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta qaar ka mid ah Guddiyada Golaha shacabka ku wareejiyay xafiisyo cusub oo ay ku shaqeeyaan.
Guddiyada xafiisyada lagu wareejiyay waxaa ka mid ah.
- Guddiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee golaha shacabka.
- Guddiga difaaca ee golaha shacabka.
- Guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka.
- Guddiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka.
- Guddiga beeraha ee golaha shacabka.
Guddoomiyeyaasha guddiyada lagu wareejiyay xafiisyada cusub ayaa ka mahad celiyay kuna ammaanay Guddoomiyaha Golaha Shacaka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan sida dhaqsiyaha leh uu kaga jawaabay codsigooda.




From the comments