U bood dhigaalka

Madaafiic Lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha Baraawe

Al-shabaab ayaa madaafiic hoobiyeyaal ah waxay ku weerareen garoon diyaaradeed oo ku yaalla duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Garoonkan xilliga la weerarayey waxaa taagneyd sida la sheegay diyaarad nooca Helicopter-ka ah, waxaana jira khasaare kala duwan.

Sidey sheegayaan dadka deegaanka, Hoobiye ku dhacay maqaayad ku taalla degmada Baraawe ayaa waxaa ku dhintey Hal qof oo shacab ah, iyadoo Labo kalena dhaawac uu soo gaaray.

Ma jirto waxyeello soo gaaratay diyaaraddii taagneyd garoonkan oo la sheegay in AMISOM ay u socotay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News