Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, ku-xigeenkiisa 1aad Abshir Maxamed Axmed, ku-xigeenka 2aad Mowliid Guhaad iyo xubno kale oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka 10aad ayaa isniintii xafiiskooda kula kulmay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Xamuud Samraan Al-xuwaytii.
Ugu horrayn Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi ayaa safiirka kaga mahad celiyay imaatinkiisa oo ah midkii ugu horreeyay oo wafdi ka socda Jaamacadda Carabka ku soo gaaraan Xarunta Golaha Aqalka Sare.
Safiirka ayaa dhankiisa mahadballaaran u jeediyay Guddoonka Aqalka waxa uuna sheegay in Jaamacadda Carabta ay gacan ka gaysan doonto qabashda kulamo iyo shirar ku saabsan deymo cafinta dalka Soomaaliya; si dalku usoo kabto dhaqaale ahaan.




From the comments