Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xoggan oo u dhaxeeya ciidamada Kenya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.
Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay in ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen ciidanka Kenya, kuwaasi oo kasoo baxay deegaanka Garilley, kuna wajahnaa dhanka Fafax-dhuun.
Wararka ay heshay Goobjoog News, ayaa sheegaya in dagaalkan uu markii hore ku billowday qaraxyo Miino oo Al-shabaab la eegteen gaadiid ay la socdeen ciidanka Kenya, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah.




From the comments