Dilal la sheegay in aano qabiil yihiin ayaa shalay iyo xalay waxay ka kala dhaceen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo iyo sidoo kale deegaan ku dhow degmadaasi.
Labo ruux oo ganacsato ah ayaa la sheegay in lagu dilay halkaasi, iyadoo dilkaasina ay ka dambeeyeen maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulnaa.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Ceelwaaq islamarkaana sababo amni magaciisa uga gaabsaday ayaa Goobjoog News u sheegay in dilka ganacsatadan uu daba socdo dil Todobaad kahor magaaladaasi loogu geystay nin aad loo yaqaannay.




From the comments