Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug loogu geystay Allaha u naxariistee C/kaafi Yuusuf oo ka mid ahaa ganacsatada ugu caansan magaaladaasi.
Nin hubeysan ayaa la sheegay in rasaas uu ku furay Labo mooto Bajaaj oo muran dhexmaray, hase ahaatee rasaastaasi ay ku dhacday ganacsdahan oo gaariga saarnaa, waxaana xilligaasi la socday isaga aabihiis.
Ruuxii dilka geystay ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday, hase ahaatee howlgallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ayeey ku suurtagashay in ninkaasi lasoo qabto.




From the comments