Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in wax badan ay iska bedeleen ammaanka guud ee Muqdisho Afartii Bil ee lasoo dhaafay.
Waxa uu sheegay guddoomiye Yariisow in shacabka Muqdisho iyo ciidamada ammaanka oo iskaashaday ay sabab u noqotay sugidda ammaanka.
Sidoo kale Yariisow ayaa sheegay iney isku xireen maamulka gobolka Banaadi, maamullada degmooyinka iyo sidoo kale hay’adihii ammaanka ay isku xireen.




From the comments