Guddi loo xil saaray baaritaanka qarax dhowaan ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa sheegay in meel gebogebo ah uu marayo shaqooyinki loo xilsaaray.
Cabdifitaax Cali oo ah guddoomiyaha magaalada Buuhoodle sidoo kalena xubin ka ah guddiga baaritaanka wada ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu ku sheegay in xogo badan ay hayaan islamarkaana howsha ay gacanta kula jiraan.
Wuxuu sheegay in warbixinno ay ka hayaan shaqsigii is qarxiyay, islamarkaana xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 ruux oo xiriir uu la lahaa.




From the comments