Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday iney maalgashi cusub oo qiimihisu yahay 4.5 milyan oo dolar ay gelinayso warbaahinta warka sameysa ee caalamiga ah.
Shirkaddan teknoolojiyada ee caanka ah oo sanadkan soo xareysay faa’iido 5 billion ka badan qiimaha shirkadda saddexdii bilood ee la soo dhaafay, ayaa sheegtay iney 3.5 milyan oo dolar ay ku shubayso sanduuqa “Facebook Membership Accelerator”, oo ah barnaamij tijaabo ah oo mudadiisu tahay 3-bilood, danta laga leeyahayna ay tahay in lagu garabsiiyo warbaahinta leh nimaad ka qeybgalayaal dadku si gaar ah ugu xiran yihiin.
Campbell Brown oo ah madaxa qeybta wararka caalamka ee Facebook ayaa waxa uu yiri: “Waxaan wadaynaa tababarka koox ka mid ah dadka warka faafiya illaa dhammaadka sanadkan, waxaan sidoo kale marka kale la shaqeyn doonnaa 2019 si aan xoogga u saarno dadka warbaahintaa ku xiran.”





From the comments