Taliska ciidamada isku dhafka ee gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan gobolkaasi, gaar ahaan kuwa B/weyne iney kaalin ka qaataan sugidda ammaanka magaaladaasi, lana shaqeeyaan ciidamada.
Taliyaha ciidamadan dhamme Carab Yuusuf Nuur oo la hadlay Goobjoog ayaa ugu baaqay shacabka in wadashaqeyn dhab ah ay la sameeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago falalka amni darri.
“Shacabka waxaan ka codsaneynaa iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si ammaanka looga wadashaqeeyo, waxaan usoo jeedno waa dartiin, hadda waad nala shaqeysaan, waxaan rabnaa inaad sii Labo jibbaartaan” ayuu yiri taliyaha.




From the comments