U bood dhigaalka

Hay’adda kormeerka Nabadgelyada Koofurta Suudaan Oo Ugu Baaqday Dhinacyada In Ay joogteeyaan Heshiiskii Qeybsiga Awoodaha

Hay’adda kor meerka iyo qiimeynta heshiisyada nabadgelyada ee raacsan hay’adda horumarinta dowladaha bariga Afrika ee IGAD ayaa ugu baaqday dowladda Koofurta Suudaan iyo Mucaaradka in ay joojteeyaan heshiiskii qeybsiga awoodaha kaasi oo la saxiixay labo Maalmood ka hor.

Hay’addan oo qaabilsan kormeerka sida ay u socdaan howlaha nabadgelyada dowladda Koofurta Suudaan ayaa waxaa ay raacsantahay urur goboleddka IGAD,taasi oo ku hanweyneyd in ay qaadato kaalinteeda dhexdhexaadnimo ee dhinacyada ku dagaallamaya dalkan.

Isniintii ayaa kooxaha Koofurta Suudaan waxaa ay heshiis ku kala saxiixdeen Caasimadda Suudaan ee Khartoum, heshiiskaas oo ahaa kii ugu dambeeyay ee qeybsiga awoodaha iyo nidaamka amniga kaasi oo uu martigeliyay Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir iyo hay’adda IGAD.

Hay’adda kormeerka howlaha nabadgelyada ee dowladda Koofurta Suudaan war-murtiyeed ka soo baxay ayaa waxaa lagu yiri “Waxaa soo dhoweyneynaa heshiiska qeybsiga awoodaha kaasi oo ay kala saxiixdeen Dowladda iyo Kooxaha Mucaaradka “.

War-murtiyeedka waxaa lagu sii yiri “ Waxaan rajeyneynaa in ay joogteeyaan dhammaan dhinacyada Fulinta qodobada heshiiska oo dhan, arrinkaasi waxaa uu hoggaamin doonaa in la xaqiijiyo nabadgeylo guud soo celinta xasiloonida iyo xoojinta howlaha dib u heshiisinta qaranka ee dalka”.

Hay’adda ayaa ugu baaqday dhinacyada in ay lagama maarmaan tahay in sid wadjir ah ay u shaqeeyaan dhinacyada saxiixay heshiiska nabadgelyo, si loo wadahadal loogu dhameystiro waxyaabaha ka harsan heshiiska iyada oo la raacayo wadahadallada ka socda Khartoum.

Madaxweynaha dowladda Koofurta Suudaan Salva Kiir ayaa sheegay in nabadda koofurta Suudaan ay noqotay xaqiiq dhacday qofkii ka shakisan xaqiijinta deganaashaha dalkana uu yahay qof been low ah isaga oo aan tilmaamin Shakhsiyaadka uu ula jeedo.

Suudaanta Koofureed ayaa ka go’aday Suudaanta kale ka dib Markii la qaaday Afti dad weyne sanadkii 2011-kii, waxaa ayna goob joog u noqotay sanadkii 2013-kii dagaallo Sokeeye oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Mucaaradka.

Goobjoog News