Sida ay sheegatay Al-shabaab 5 ka mid ah ciidmada Kenya ayey arbacadii ku dileen gobolka Lamu ee xeebta waqooyi ee dalka Kenya.
Sarkaal Kenyaan ah ayaa sheegay in askarta lagu dilay meel u dhaxeysa Majengo iyo Bodhei kadib markii gaarigooda uu bam ku dul istaagay.
Dhanaca kale, Lieutenant Colonel Paul Njuguna ayaa Reuters u sheegay in ay dhaawacmeen 6 askari oo 2 ka mid ah ay dhaawacyo halis ah qabaan balse aaney dhimasho jirin.




From the comments