Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Laba beel ayaa saakay laga soo sheegayaa duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo shalay beelahan uu dhexmaray dagaal khasaare badan sababay.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa lasoo sheegayaa in saakay ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Kismaayo, waxaana laga baqayaa in ay dagaallamaan.
Dagaal shalay ka dhacay halka ay isku horfadhiyaan maleeshiyadan ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.




From the comments