In ka badan 300 oo jaraa’id oo ka shaqeeya gudaha dalka Mareykanka ayaa isku ballansaday in Khamiista August 16, 2018 ee maanta ay faafiyaan qoraallo ay ku difacayaan xoriyadda saxaafadda si ay uga jawaabaan colleyntanka Trump uu ku hayo saxaafadda, kadib markii uu qaar ka mid ah uu ku tilmaamay iney cadow ku yihiin shacabka Mareykanka, si madaxweynaha loo xasuusiyo dastuurka Mareykanka oo damaanad qaadaya xorriyadda saxaafadda.
Ol’olahan ay saaxafaddu ku midowday ayaa waxaa soo abaabulay jariidada “The Boston Globe“, waxaana ku biiray jariidada The New York Timesiyo jaraa’id kale oo qaarkood ay ku yaallaan gobollo ay dadku si xoog ah ugu codeeyeen Trump 2016.
Golaha tifaftirka jariidada “The Boston Globe” ayaa maqaal ay ku faafiyeen internet-ka Madaxweyne Trump ku sheegay “in ol’ole sumcad dil ah uu ku hayo saxaafadda.”




From the comments