Maamulka Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay ciidan kala dhexdhigaan beello dhowaan ku diriray duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Waxa ay ciidamadan ka hortagi doonaan dagaallo kale oo dib uga dhaca duleedka magaalada Kismaayo, dhanka kalena wuxuu maamulka Jubbaland ku howlan yahay isku keenista waxgaradka beelahan dagaallamay.
Jubbaland ayaa geysay Ciidamo iskugu jira Boolis iyo nabad-sugid deegaannada ay ka mid yihiin Haadweyne ee gobolka Jubada hoose halkaasi oo ay dirirtu ku dhexmartay beelahaan.




From the comments