Wararka ka imaanaya Magalaada Harar ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidanka IsMaamulka Oromada ay dileen shan qof oo Soomaali ah iyada oo sidoo kale ay dhaawaceen labo kale.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ay qabteen dadkaan islamarkaana ay Madaxdyada ka wada toogteen saddex ka mid ah dadka la dilay ayaa la sheegay in dhowaan laga soo siidaayay Xabsiga loo yaqaanno “Jeel-ogaadeen” kadib Markii Ra’iisulwasaare Abiy uu amar ku bixiyay in la siidaayo dadka ku xiran xabsiyada Maamulka Soomaalida Itoobiya.
Xiisadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada wada-dega Itoobiya ayaa ah mid Maalimba Maalinta ka dambeyso cirka isku sii shareereysa.




From the comments