Maamulka Shabellaha Hoose Oo Sheegay In Ay Qaadi Doonaan Howlgallo Amniga Lagu Xaqiijinayo
Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay iney bilaabeen howlgal ay Al-shabaab uga saarayaan deegaannada ay ka maamulaan gobolkaasi.
Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay sidoo kale qaadi doonaan isbaarooyinka yaalla gobolkaasi.
Waxaa uu tilmaamay in Ciidamada ay diyaar u yihiin qaadista howlgalladaan ka dhanka ah Alshabaab iyo isbaarooyinka yaalla Wanlaweyn qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose.
“ Qorshaheenna waxaa uu yahay in dhammaan gobolka shabellaha hoose laga xoreeyo Alshabaab sidoo kale waxaa jiray kulamo xalay maalada lagu qabtay oo looga hadlay sidii shacabka wax loogu qaban lahaa waxaan ka shaqeyn doonnaa soo celinta iyo xasiloonnada gobolka”.
Magaalada Marka ee gobolka Shabellaha hoose waxaa shalay xaafado ka mid ah la wareegay Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya ka dib markii ay iskaga baxeen Alshabaab.
Maamulka Magaalada ayaa sheegay in ay sii wadi doonnaa howlgallada ka dhanka ah Alshabaab iayaga oo dhanka kale tilmaamay in ay qaadi doonaan isbaarooyinka sharci darrada ah ee yaalla gobolka.
Goobjoog News