Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay.
Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii ay Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka xoogga dalka ku lahaayeen deegaankaasi.
Afar askari oo ciidanka dowladda ayaa la xaqiijiyey in dagaalkan ay ku dhinteen, iyadoo dhanka kalena uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dagaalyahannada Al-shabaab.




From the comments