Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay xireen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kalena ciidamo badan lagu arkayo waddooyinkaasi.
Waxaa xiran isgoysyada Jubba, Daljirka Daahsoon, Ceelgaabta iyo wadada 21-ka October, waxaana ciidanka xiray ay ku labisan yihiin dareeskii ay wadan jireen ciidanka xasilinta Muqdisho oo horey magaalada looga wareejiyey.
Lama oga sababta ka dambeysa in la xiro waddooyinka oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha.




From the comments