Goobjoog

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaallo Ka Dhacay Magaalada Marka

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalkan ayaa bilowday sida la sheegay kadib weerar…

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaallo Ka Dhacay Magaalada Marka

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa bilowday sida la sheegay kadib weerar xooggan oo ay magaaladaasi ku qaadeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootey Saddex qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Xasan Macallin Cumar, guddoomiyaha Marka ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidanka dowladda ay ka warhayeen weerarka Al-shabaab, islamarkaana ay iska caabiyeen.

Ma sheegin dhankooda wax khasaare ah oo soo gaaray, balse wuxuu tilmaamay in saakay xaaladdu tahay mid deggan.

Ciidamada dowladda federaala ayaa dhowaan waxay Al-shabaab ka saareen magaaladaasi, iyadoo dhanka kalena shalay halkaasi la geeyey ciidamo Booliis ah oo ammaanka suga.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments