AFRICOM waxaa ay sanadkan Al-shabaab weerraro cirka ku qaaddey ilaa 21 jeer, waa mid ay ku sii socoto tiradii badneyd ee sanadkii hore.
Maj. Karl J. Wiest oo la hadlay Long War Journal ayaa xaqiijyey in weerarkii isniintii ay ku dileen 3 Al-shabaabka ee ka dhacay koonfur galbeed Muqdisho uu ahaa kii 21aad.
Sida uu Maj. Karl J. Wiest sheegayo sanadkan waa ay ballaariyeen meelaha ay ku dilaan kooxaha ay ugu yeraan kuwa “Mayalka adag”. June sanadkan waxaa uu Mareykanka duqeyn ka geystay hareeraha Boosaaso halka bishan uu duqeeyay meel u dhow Muqdisho.




From the comments