Goobjoog

4 Eedeysane Oo La Xukumay

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa maanta waxay xukun ku riddey dad loo haysto ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab. Saddex rag ah iyo qof dumar ah ayey maxkamadda ku…

4 Eedeysane Oo La Xukumay

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa maanta waxay xukun ku riddey dad loo haysto ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab.

Saddex rag ah iyo qof dumar ah ayey maxkamadda ku riddey xukun xabsi ciidan ah.

Eedeysanayaasha ayaa kala ah Maxamed C/laahi Cadow oo ah eedeysanaha 1-aad ayaa ciidamada amniga waxaa ay ka qabteen 22 bishii afaraad waxaana xilligaasi lala xiriirinayay ka mid ahaanshaha Alshabaab waxaana kadib lagu wareejiyay hay’adaha baarista.

Eedeysanayaasha 2-aad  iyo 3-aad ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Weris Maxamed Cumar , Xasan Cali Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe oo isna ah eedeysanaha 4-aad.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa lagu kala xukumay Maxame Cabdullaahi Maxamed Cadow 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah.

Waris Maxamed Cumar 6 (Lix) sano oo xabsi Ciidan ah, halka Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ay ku wada xukuntay min hal sano oo xabsi ciidan ah.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments