Mas’uul ka tirsan Xukuumadda Afghanistan ayaa Maanta oo Axad ah sheegay in ugu yaraan 9 ka tirsan Ciidamada Ammaanka la dilay, halka 6 kalena ay soo gaartay waxyeello kadib weerar hubeysan oo lala beegsaday bar Koontarool oo ku taalla gobolka Heart ee galbeedka waddanka.
Afhayeen u hadlay gobana tooraha gobolka oo lagu Magacaabo Jeylaani Farhadi ayaa sheegay in koox hubeysan ay soo weerartay gelinkii dambe Sabtida bar kontarool,taasi oo keenat in uu dhaco iska horimaad kadibna ay dhinteen 9 ka mid ah ciidamada ammaanka halka ay waxyeello soo gaartay 6 kale, waxaa uu intaas ku daray in 10 ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday la dilay halka sidoo kale laga dhaawacay 5 ka mid ah.
Jeylaani waxaa uu caddeeyay in weerarkan ay fuliyeen dhaqdhaqaaqa Taliban oo awood ku leh gobolka sida caadada ahna waxaa ay qaadaan weeraro ka dhan ah ciidamada amniga iyo Mas’uuliyiinta dowladda.




From the comments