Maamulka gobolka Mudug ee Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey dhammeystirka heshiiskii Gaalkacyo ee ay horey u gaareen maamullada Puntland iyo Galmudug.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulkan, C/xuseen Maxamed ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu ku sheegay in ka maamul ahaan sugayaan waqtiga la dhammeystiri doono heshiiskan.
Waxa uu tilmaamay in heshiiskan oo la dhammeytiro ay ka dhiggan tahay in shacabka Gaalkacyo iyo guud ahaan kuwa gobolka Mudug is fahmaan oo nabad ku wada noolaadaan.




From the comments