Guddiga nabadeynta deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xabad joojin ay kala dhexdhigeen beelihii dhowaan ku dagaallamay deegaankaasi.
Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil, guddoomiyaha guddigaas ayaa sheegay in Labada dhinac ay ka aqbaleen xabad joojintii islamarkaana ay wadaan sidii loo sii guda geli lahaa arrimaha kale ee dib u heshiisiinta.
Guddigooda ayuu sheegay inuu ku howlan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu heshiis nabadeed ku kala dhexdhigo beelahan dagaallamay.




From the comments