Rag hubeysan ayaa xalay waxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dileen Labo wiil dhallinyaro ah kuwaasi oo kamid ahaa dhallinyarada waxbaratay ee magaaladaasi.
Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News in ragga wax diley ay goobta isaga baxsadeen, iyadoo dhanka kalena la sheegay in halkaasi ay gaareen ciidamada ammaanka.
Lama oga sababta ka dambeysay in la dilo dhallinyaradan, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo fal sidan ah uu ka dhaco Boosaaso.




From the comments