Wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in maxkamad lasoo taagi doono 10 nin oo la sheegay in lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Maxamed Cabdi Kaliil, wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in raggan lasoo qabtay iyaga oo maleegayey falal amniga wax u dhimaya.
Waxa uu tilmaamay wasiirka in ragga la hayo loo haysto falal la xiriira qaraxyo dhacay, kuwo ay qorsheynayeen iyo dilal ka dhacay magaaladaasi.




From the comments