Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press, ciidamada Itoobiya oo duqeyn ka geystay gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ku dileen ilaa 70 ka tirsan Al-shabaab.
Fana Broadcasting Corporate oo ah warbaahin ay leedahay dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in duqeyntan ay dhacday si looga hortago weerar ay Al-shabaab la damacsanaayeen ciidamada Itoobiya oo safar ahaa inay dhexda u galaan.
Qoraalka waxaa kale oo lagu sheegay in la burburiyey 2 gaari, oo ay ka buuxeen hub iyo saanad kale, lama sheegin goorta iyo goobta uu weerarka dhacay.




From the comments