Cabdolqafur Iranejad oo ka tirsan baarlamaanka Iran ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo lagu soo deynayo 18 kaluumeysato Iran ah oo lagu afduubtey Soomaaliya.
“18 Kaluumeysato ayaa lagu afduubtey Soomaaliya, 4 waxaa ay heysto burcad badeed dhowr ah halka 14 kale ay qabsadeen Al-shabaab” sidaasi waxaa ICANA u sheegay Cabdolqafur Iranejad.
Xildhibaanka soo sii hadlayey waxaa uu sheegay in 4ta kaluumeysto laga sii daayey burcad badeedda balse inta kale weli la heysto.




From the comments