Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi ka socda golaha aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaas oo loo diray koonfur galbeed si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Wafigan oo uu hoggaaminayo senator Cabdullahi Cali Garuun, ayaa waxaa ka mid ah Senator Xuseen Xaaji Cali, Senator Sam Sam Ibraahim Cali, Senator Axmed Macallim Cumar “ Axmed Nadiir”, Senator Faadumo Xasan Aadan Gariyow, Aadan Cabdi Aadan, C/fitaax Macallim Xasan, Maxamed Cali Maxamed Rooble iyo Ismahaan Fu’aad Xasan.
Wafdigii kan ka horeeyay ee Aqalka sare u diro Dowlad Gobolleedyada ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.




From the comments