Si Soomaaliya looga xaqiijiyo dhanka xasiloonnida waa in la maal-geliyo helitaanka Teknoolojiyad casri ah, si aanu u dhicin marnaan xagga amniga ah, sidaasi waxaa sheegay Simon Mulongo oo ah ku-xigeenka u qeybsanaha guddoomiyaha midowga Afrika.
Arrintan waxaa uu ka sheegay xilli uu ka hadlay siminaar labo maalin ahaa oo looga hadlayey sida Teknoolojiyadda ay qeyb uga qaadan karto sugidda amniga.
“AMISOM waxaa ay shaqeysaa xilliyo dhib badan, waxaa ayna ku shaqeysaa bey’ad aad u horumarsan” sidaasi waxaa yiri Mulongo, isaga oo intaasi raaciyey in loo baahanyahay waddooyin lagu helo afkaar cusub, oo horumarsan.




From the comments