Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Hadlay Kursi Ka Bannaan Golaha Shacabka
Sheeko:Baarlamaanka
Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta ku dhawaaqay boos buuxinta kursi ka bannaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka oo deegaan doorashadiisa tahay Puntland.
Kursigan uu 6-dii bishan September iska casilay Xildhibaan Daahir Cali Faarax, waxaa la faray odayaasha dhaqanka ee ku jiray 135-ta inay keenaan 51 ergo doorasho, muddo 7 cesho ah oo ka bilaabaneysa 22-ka bishan.
Murashaxiinta ayaa sidoo kale lagu war-geliyey inay araajidad keensadaan inta u dhaxeysa 22-ka bushan ilaa 29-ka.
Akhriso, Qoraalka: