Wafiga Aqalka sare ee magaalada Baydhabo u jooga xal u helista is afgaranwaaga soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada iyo Maamul Goboleedyada dhexdooda ayaa shalay ka qeyb galay shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ka wada hadleen arrimaha taagan, sida lagu xalin karo,waxayna Golaha Wasiirada KGS u soo gudbiyeen wafdiga Golaha Aqalka Sare xogtii ay ka rabeen Dowlad Goboleedka oo qoraaal ah si wafdiga aqalka sare uu dib ugala soo laabto Golaha aqalka sare .
Sidoo kale,Wafdiga Aqalka sare ka socda ayaa waxay la kulmeen Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna “ Maya”,waxay ka wada hadleen arrimaha khilaafka ee jira waxayna dhageysteen Wafdiga aragtida Guddonka Baarlamaanka KGS iyo sida ay u arkaan in lagu xalin karo khilaafka jira.
Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.




From the comments