Korneel Buulle Maxamed Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha xoogga dalka ee gobollada Jubbooyinka ayaa ka hadlay howlgal Al-shabaab looga diley 18 ka mid ah Al-shabaab kaasi oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.
Korneel Buulle ayaa sheegay in howlgalkaan ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, islamarkaana ay sidoo kale soo qabsadeen hub badan.
Waxa uu tilmaamay Korneelka in Maraykanka ciidankiisu aanay howlgalkaasi ka qeybgelin, balse ay si kore ula socdeen waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments