Siyaasi Ex xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Dhuxul) oo kamid ahaa baarlamaankii Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News isagoo ku sugan magaalada Baladweyne, kaga hadlay magacaabis uu madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare sameeyay oo ku aadan maamulka gobolka Hiiraan.
Wuxuu eedeeyn u soo jeediyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare isagoo ku sheegay masuuliyad darro magacaabista uu sameeyay.
Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Waare ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Daba-geed.




From the comments