Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in shacabka B/weyne aanay u dacwad doonan karin Xarakada Al-shabaab.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in cid walbo oo lagu helo in Al-shabaab deegaannada ay ka joogaan Hiiraan u dacwad doonato ay xabsi Saddex bil ah dhigi doonaan, sidoo kalena ku ganaaxi doonaan lacag dhan 5 kun oo doolarka Maraykanka ah.
“Waxaa badatay in loo dacwad doonto Booca, ciidamada amniga waxaan leeyahay ciddii ka baxda B/weyne ee aadda Booca una dacwad doonata nabad diidka muddo Saddex bil ah ayaan xireynaa 5 Kun oo doolarna waa lagu ganaaxayaa” ayuu yiri guddoomiyaha.




From the comments