Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa AMISOM ay la waregeen deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.
Ciidamadan oo shalay ka baxay magaalada B/weyne ayaa aaday dhanka wadada isku xirta magaaladaas iyo degmada Buulo-burde, waxaana jiray dagaallo kooban oo ay kala kulmeen Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa sheegay in ciidanka ay maanta la wareegeen deegaannada kala ah Baardheere iyo Nuur Fanax ee gobolka Hiiraan.




From the comments