Maamulka deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in heshiis ay kala dhex dhigeen beello walaalo ah oo horey u dagaallamay.
Mukhtaar Nuur Geesey oo ah madaxa arrimaha bulshada ee deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in dagaalladan ahaayeen kuwo soo noq-noqday, balse ay ku guuleysteen daminta colaaddan.
Waxa uu tilmaamay in markii hore dagaalladan ka bilowdeen arrimo la xiriira dhul, balse dedaal badan oo ay sameeyeen kadib xal laga gaaray arrintaasi.




From the comments