Wasiirka Amniga dowladda Jubbaland Cabdirashiid Cabdinuur Janan ayaa ku eedeeyay xukuumadda federaalka ah in ayaan waxba kala socon xaaladda ammaan ee ay ku sugan tahay Soomaaliya.
Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in dowladdu aysan ka warqabin ciidamada Soomaaliyeed ee maalin kasta dagaalka ku jira, isagoo soo hadal qaaday Ciidamo lagu dilay Gobollada Jubbaland sida Gedo iyo Jubbada Hoose oo Shabaabka weerarro qaraxyo ah ay la eegteen.
Wasiir Jannan ayaa tilmaamay in xukuumadda federaalka ah ay ku mashquulsan tahay oo kaliya baraha bulshada iyo dadka qoraallada ku qora Facebook-ga ee iyada buunbuuniya.




From the comments