Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dhisay xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD) oo ah xisbi ay ku mideysan yihiin in ka badan 80 xildhibaan oo labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, waa xisbiga xilligan heysta aqlabiyadda baarlamaanka federaalka ah, waxaa kale oo xisbiga ku jira siyaasiyiin iyo dad bulshada magac ku leh.
Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD) oo sidoo kale dastuurkiisa la ansixiyey ayaa loo doortay guddoomiye KMG ah, waxaana si rasmi ah loo shaacin-doonaa khamiista soo socota.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa loo doortay guddoomiye KMG ah 6-da bil ee soo socota, iyada oo lagu wado bisha 3aad ee 2019-ka in la qabto shirweyne qaran oo ay ka soo qeyb gali-doonaan xubnaha xisbiga dal iyo dibad, lagu dooran doono madaxda xisbiga.




From the comments