Maamulka deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa ka warbixiyey dagaal ay saakay deegaankaasi ku qabsadeen Al-shabaab.
Xasan Biyow Isaaq oo ah guddoomiyaha deegaankan ayaa sheegay in Al-shabaab ay gubeen xaruntii degmada ayna qaateen qalabkii yaallay isbitaalkii ku yaallay deegaankaasi.
Waxa uu tilmaamay in ay soo qaadeen Al-shabaab weerar lama filaan ah saakay aroortii, ayna deegaankaasi la wareegeen, balse ay ciidanka xoogga dalka dib halkaasi weerar ugu qaadeen oo ay ka saareen Al-shabaab.




From the comments