Goobjoog

Gaas Oo Magacaabay Taliye Ciidan

Wareegto kasoo baxday madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay taliyaha ciidamada keydka ee maamulkaasi. Waxaa xilkaan loo magacaabay G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ). Wareegtada hoos…

Gaas Oo Magacaabay Taliye Ciidan

Wareegto kasoo baxday madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay taliyaha ciidamada keydka ee maamulkaasi.

Waxaa xilkaan loo magacaabay G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ).

Wareegtada hoos ka akhriso.

Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments