Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay xalay saq dhexe diyaarado dagaal ka fuliyeen deegaanka Basra ee gobolka Shabellaha Dhexe.
Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in duqeyntan lala eegtay xubno ka mid ah Al-shabaab oo halkaasi ku sugnaa.
Waxaa jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta oo duqeyntan ka dhalatay, balse lama oga inta khasaaruhu la egyahay.




From the comments