Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa ku dhawaaqay in wasiirka wasaaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan uu noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarkamaanka federaalka ah.
Kursigan oo ay ku tartamayeen Jamaal Maxamed Xasan iyo Maxamud Cabdullahi Maxamed waxaa codeeyey 51 ergo.
Jamaal Maxamed Xasan waxaa u codeysay 49 ergo, Maxamud Cabdullahi waxbo ma helin halka 2 cod halaabeen.




From the comments