Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay cabasho xooggan kaga muujiyeen amni darro baahsan.
Waxa ay sheegeen in canshuur badan ay bixiyaan, hadane aanay jirin cid wax ka qabata cabashadood, maadaama dhibaato lagu hayo.
Xilliyada galabkii ayeey sheegeen in suuqa ay soo galaan rag hubeysan oo dhacaya shacabka iyo ganacsatada, walibana dhibaato ku haya dadka.




From the comments