Waxaa so baxaya xilligan khilaaf ka dhex jira wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoo khilaafkan uu si gaar ah ugu dhaxeeyo wasiirka wasaaraddan iyo sidoo kale wasiir dowlaha.
Maxamed Cabdi Kaliil oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Jubbaland ayaa sheegay in dayacaad amni uu sameynayo wasiirka.
Waxa uu sheegay in wasiirka uu sidoo kale sabab u yahay in Al-shabaab ay xannibaan isticmaalka waddooyin badan oo Gedo ah.




From the comments