Dadkii dhowaan ka barakacay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa bilaabay iney dib ugu laabtaan guryahooda, kadib markii xaaladda magaaladaasi isbedal uu ku yimid.
Xasan Cumar oo ah guddoomiyaha Marka ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in shacabka ay hadda intooda badan oo laabteen kuwa kalena la sugayo iney yimaadaan.
“Ammaanka magaalada Marka aad ayuu u wanaagsna yahay, dadkii waxay bilaabeen iney kusoo noqdaan guryahooda, waxaana ay yihiin kuwo si cabsi la’aan ah u imaanaya…dadka waxay usoo laabanayaan waa in la heshiisiiyey maleeshiyaadkii magaalada ku dagaallami jiray sidoo kalena magaalada ay hayaan ciidanka xoogga dalka” ayuu yiri guddoomiyaha.




From the comments