Waxaa maanta xiran dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayo ciidamo badan oo aammaanka sugaya, gaadiidkana celinaya.
Ciidamo Booliis ah ayaa gaadiidka dadweynaha u sheegaya in waddooyinka aan la ogoleyn maristooda, iyadoo shacabka ay yihiin kuwo lugeynaya.
Dadka qaar oo aan la sheekeysannay ayaa inoo sheegay iney filayeen xirnaanshiyaha waddooyinka, maadaama maanta ay ku beegan tahay 14 October oo ah maalin dadka Soomaaliyeed iloobi karin, kadib qarax ay boqolaal qof ku dhinteen oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.




From the comments