Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xildhibaanno maanta meel looga dhacay xasaanaddooda, kadib markii qaarkood waddooyinka loo diiday iney maraan, halka xildhibaan Mahad Salaad isna rasaas lagu ridey.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in marar badan iyadoo ay xildhibaannada howl u fadhiyaan la xiro jidadka, ayna dhacdo dhibaato ay soo gaarto xildhibaannada ama qaarkood ay qatar galaan.
Ciidamada amniga ayuu u sheegay in mudanayaasha baarlamaanka wataan aqoonsi, laga doonayo iney ilaaliyaan xasaanaddooda, lana ilaaliyo sharaftooda iyo karaamadooda.




From the comments