Senator Cabdi Axmed Dhuxulow(Dhagdheer) Iyo Senator Yusuf Geelle Ugaas(Dhagey) oo ka jawaabayey eedeyn uu shalay u soo jeediyey madaxweynaha Galmudig Axmed Geelle Xaaf ayaa qoraal ay warbaahinta soo gaarsiiyeen ku sheegay in war-saxaafadeedka Mr. Xaaf aanu waafaqsaneyn xaqiiqda dhabta ah ee jirta iyo shuruucda dalka, laguna marin habaabinayo shacabka Galmudug, iyaga oo intaasi raaciyey in war-saxaafadeedka uu si toos ah ugu xad-gudbey xasaanadda iyo sharafta mas’uuliyadeed ee aan mudneyn sida ku cad qod 78-aad ee dastuurka federaalka ah.
Labada Senator oo sii hadlaya waxaa ay yiraahdeen “ waxaynu ka mid aheyn wafdi uu u diray golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya dowlad goboleedla Galmudug isaga oo gudanaya xilka dastuuriga ah ee ku qeexan qod 61aad(1) (3) ee dastuurka federaalka ah si ay kaalin dhex-dhexaadin ah uga qaataan khilaafka Galmudug iyo khilaafka u dhaxeeya dowlad goboleedka iyo xukuumadda federaalka ah”.
Qoraal Senatorrada oo sii socda ayaa ku xusnaa “Marna ma aqbaleyno in xilka mas’uuliyadeed ee Senatorada golaha aqalka sare la siyaasadeeyo, waxaynu had iyo jeer u taagan nahay in aan dhamaeystiro kaalintii dhex-dhexaadin ee aynu ka wadnay xal u raadinta khilaafka ka dhex aloosan hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug.




From the comments